Argagixisada ka tirsan ururka argagixisada ee Jihaadka Islaamiga (PIJ) ayaa ka qayb-qaadatay dhigista walxaha qarxa ee lagu weerarayay ciidamada Israa’iil ee ka hawl-gala Marinka Gasa. Weerar kale oo dhacay maalmo ka hor, ayaa ciidamada Israa’iil dileen argagixisada Ahmed Fouad Khalil Halas, oo ahaa argagixiso ka tirsan ciidanka Nukhba ee laanta milatariga ah ee ururka argagixisada Xamaas. Argagixisadaasi waxa uu ka qayb-qaatay dhigista walxaha qarxa iyo hawlgallo ka dhan ah ciidamada Israa‘iil ee ka hawl-gala Marinka Gasa. Dhawaanahan, argagixisada ayaa horumarisay qorshayaal argagixiso oo ka dhan ah ciidamada Israa’iil iyo muwaadiniinta Dawlad-da Israa’iil, iyagoo si nidaamsan u jebiyay heshiiskii xabad-joojinta. Argagixisada waa la dilay si meesha looga saaro halista ay lahaayeen.